Cilmi Baadhis Sheegtay In Dadka Aduunka Ku Nool Shantii Qofba Hal Qof Udhinto Dhibaatada Kasoo Gaadha Tamarta Shiidaalka Laga Dhaliyo
February 10, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Cilmi baadhis lagu daabacay Joornaalka cilmi baadhista deegaanka wax ka qora ayaa lagu sheegay in shantii qof ba hal qof oo dadka qaangaadhka ah kamid ahi u dhintaan dhibaatada ay sababto Shidaalka tamarta laga dhaliyo. Cilmi baadhista ayaa lagu sheegay in dhibaatooyinka caafimaad ee ay sababayaan ay kasii badan doonto sidda ahayd sannadii hore.
Qaybo kamida Shiinaha, Hindiya iyo Yurub ayaa noqon doona meelaha ugu badan ee ay saamaayn doonto tamarta laga dhalinayo shidaalka. 8.7 milyan dhimasho ah ayaa laga yaabaa inay saamayso ayaa lagu yidhi warbaxinta.
Khaalid Foodhaadhi
Hargeysa Somaliland