Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Qaabilay Dhallinyaradii Soo Dhamaysatay Barnaamijka Shaqo Qaran Ee Ka Hawl-galaysa Maxkamadaha Dalka.
February 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo Ay wehelinayeen guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadam Haybe, Agaasimaha guud ee shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cisman (Mu’adinka) iyo masuuliyiin ka tirsan maxkamadda sare ayaa soo dhaweeyay dhallinyaradii soo dhamaysatay, barnaamijka shaqo qaran. Dhalliyaradaasi oo ay tiradoodu dhamayd 31 qof oo ka kala yimid lixda gobol ee waaweyn, ayaa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/02/2021 si rasmi ah uga hawl-gali doona maxkamadaha kala duwan ee dalka jamhuuriyadda Somaliland.