Puntland Oo Ka Hor-timid In Garoowe Lagu Qabto Shirkii Uu FARMAAJO Ku Baaqay
February 10, 2021 - Written by admin
Garowe(Berberatoday.com)-Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaan lagala tashan shirka uu madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in lagu qabanayo Garoowe.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayey sidoo kale ku sheegtay inay door bideyso in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, maadama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda Soomaaliya.