Sucuudiga Oo Somaliland Dib Ugu Soo Celiyey Markab Sida Xoolo Dhan 17000 Oo Neef!
February 10, 2021 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Dawladda Sucuudi Carabiya, ayaa Somaliland dib ugu soo celisay Xoolo ka badan 17 Kun oo Adhi ah.
Xoolahan oo markii hore ka dhoofay Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland isla-markaana gaadhay dalka Sucuudiga, ayaa dib loo soo celiyey, waxaana Markii Siday xoolahaasi uu ku soo jeedaa dhinaca Dekedda Berbera.
