Ilhaan Cumar Oo Xil Muhiim Ah Loo Magacaabay
February 12, 2021 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afirka iyo arrimaha xuquuqul insaanka caalamka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskeeda.

Guddi hoosaadkan ayaa waxaa uu ka tirsan yahay guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka.