Wada-hadallo Loogu Gogol-xaadhayo Qunsuliyad Kenya Ka Furanayso Hargeysa Oo Ka Bilaabmay Nairobi
February 12, 2021 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa Safar ku tagay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Weftiga oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Qorshaynta Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa waxay la kulmeen Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Kenya, kuwaasi oo uu ka mid yahay Madaxa Shaqaalaha Dawladda Kenya Joseph Kinyua.
Wargeyska Business Week oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay, ayaa sheegay in Wada-hadallada ay yeesheen Weftiga Somaliland iyo Madaxda Kenya uu yahay Wareeggii labaad ee Wada-hadallo kor loogu sii qaadayo xidhiidhka labada Waddan, ka hor Qunsuliyad ay Kenya ka furanayso Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.