Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Maansada “Doonyo Qaad” Ku Cabiray Xaalada Dalka Iyo Sida Ay Bulshada U Kala Qaybiyeen Kuwii Ay Xilka Udhiibteen.
February 13, 2021 - Written by admin
Markay Daaf U Dhuratee
Dirqi Iyo Itaal tahay
Runta Dabarka lagu xidho
La fasaxo Dabuubaha
Doc faruurka beenaha
Xaqa daah ku qariyaan
Afku juuqda daayee
Dibno Aamusaanee
Nin dabcaa ka talo baxo
Ama laga danaystee
Bulshadiyo dadkayguna
Doonya-qaad ay waayaan
Isku xidha dareenada
Dabka waayir qaadiyo