Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Bahda Dhaqanka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.
February 13, 2021 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE: 12/02/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ku geeriyooday makhribnimadii caawa oo ay taariikhdu tahay 12/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.