Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Oo Xilalkii Ka Qaaday Agaasimayaashii Tv-ga Qaranka Iyo Idaacada Radiyo hargeysa Oo Labaduba Xaalad Caafimaad Cisbataalada Hargeysa Uyaala
February 13, 2021 - Written by admin
Wasiir Saleebaan Cali Koorre Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii TVga Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali (Waji) xilli uu xaalad caafimaad u jiifo. Wasiirka ayaa xilkaasi u magacaabey Wariye Cabdirisaaq Cismaan Maxamed.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xilkii Agaasimaha Idaacadaha ka qaaday Wariye Xasan Maxamed Yuusuf, isagoo u magacaabey xilkaasi Axmed Ibraahim Cali.
Labada Masuul Ee Xilalka Laga Qaaday Ayaa Xaalado Caafimaad Ukala ajiifa Cisbataalada Hargeysa
Berberatoday.com