Meydadka 13 Turkish Ah Oo La Helay Kadib Howlgal Culus
February 14, 2021 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Ciidamada Turkiga ee fulinaya howlgalka ka dhanka ah mintidiinta kooxda PKK ee waqooyiga Ciraaq ayaa god ka helay meydadka 13 Turkish ah oo u afduubnaa kooxda, sida uu sheegay wasiirka difaaca Hulusi Akar.
Akar ayaa bayaan uu Axadda maanta ah soo saaray ku sheegay in 48 ka mid ah mintidiinta PKK lagu dilay howlgalka, halka seddex askari oo Turkish ah la dilay seddex kalena la dhaawacay. 12 ka mid ah Turkish-ka afduubka loo haystay ayaa laga toogtay madaxa, halka midka kalana laga toogtay garabka
