Komishanka Doorashooyinka Oo Kulan Layeeshay Madaxda Xisbiyada,Xeer Ilaalinta Iyo Xafiiska Imtixaanaadka!
February 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kula la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay’ada Shaqaalaha Dawladda.
Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada loo dardar-gelin lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay, isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka JSL.