Midowga Musharrixiinta Somaliya Oo Digniin Culus Ujeediyey Dowladda
February 17, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa uga diggay dowladda Soomaaliya in ay carqaladeyso dibadbaxa lagu waddo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee lagaga soo horjeedo madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ku baaqay dibadbaxan ayaa uga diggay laamaha amniga in ay is hortagaan isku soo baxa dadweynaha, balse taa badalkeeda looga baahan yahay in ay sugaan nabad-galyada dadka dibadbaxa ka qeybgalaya maadaama dibadbaxu yahay mid nabaddeed oo dadku shacuurtooda ku muujinayaan.