Sacuudiga Oo Amar Kusoo Rogay Shirkaddaha Shisheeye
February 17, 2021 - Written by admin
Riyadh(Berberatoday.com)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay laga bilaabo sannadka 2024 ayna wax qandaraas ah siin doonin shirkaddaha Shisheeye ee aan fadhigooda hay’an waddanka Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in laga bilaabo 1 Janaayo 2024 qandaraasyada dowlada ay siin doonto oo kaliya shirkadda Shisheeye ee xaruntooda gobalka ka sameysta gudaha waddanka Sacuudiga.
Arrintan ayay dowlada Sacuudiga uga danleedahay inay ku cadaadiso shirkaddaha caalamiga ah ee Qandaraaska ka qaata hay’adaha dowlada Sacuudiga ay xaruntooda Gobalka ka dhigtaan gudaha wadankaasi.