“Soomaaliya Guul-darrada Ka Muuqata Waxa Ka Masuul Ah Madaxweyne Farmaajo”Cabdiweli Gaas
February 17, 2021 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Puntland iyo raysal wasaarihi hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay xaaladda ay haatan Soomaaliya marayso in ay sabab u tahay shakiga laga qabo in madaxda dowladda federalka ay doonayaan in ay doorashada musuq maasuqaan.
Cabdiweli Gaas ayaa sheegay afartii sano ee lasoo dhaafay dowladdu in ay ku guul daraysatay in ay dalka doorasho xor ah gaadhsiiso, dastuurka la dhameystiro iyo in Shabaab laga xoreeyo Soomaaliya.