Maamulka Putland Oo Shaqo Ka Joojin Iyo Xadhig Ugu Hanjabay 14 Shaqaale Ah Oo Ushaqeeya Qaramada Midoobay Gaar Ahaan Xafiiska UNSOM Iyo Sababta
February 24, 2021 - Written by admin
Garowe(Berberatoday.com)-Xafiiska Xeer-ilaalinta Puntland ayaa muddo shan cisho ah u qabtay 14 qof oo u shaqeeya Qaramada Midoobey, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay iska bixin waayeen cashuurtii ku waajibtay.
Xeer-ilaalinta Puntland waxay sheegey in haddii ay muddadaas cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonto in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonto.
Puntland ayaa tiroba dhowr jeer oo hore ku eedaysay Soomaalida Qaramada Midoobey u shaqeysa in aysan bixin cashuuraha dalka.
Mohamed Salah