“Gobolka Salel Waxaad Mooddaa In Jabuuti La Siinayo….”Xil. Axmed Barkhad Obsiiye.
February 25, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Buugga war-bixin sannadeedkii 2020-ka ee ay soo saartay, qaybisayna Hay’adda xuquuqal insaanka Qaranka Somaliland si khaldan loogu dhigay khariirada Jamhuuriyadda Somaliland,waxaanu ugu baaqay Guddida inay Buuggaas ay ka daba tagaan, isla markaana ay gubaan.
