“Xukuumaddu Ahmiyadda Koowaad Ha Siiyo Daryeelka Ciidammada..” Xildhibaan Qabile
February 25, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa baaq u diray guud ahaan Ciidamada kala duwan ee dalka, waxaanu ugu baaqay inay mar kasta dulqaad iyo masuuliyad muujiyaan, wixii tabasho ah ee ay qabaana si sharciga si waafaqsan u raacan, oo ay ka dheeraadaan wax kasta oo khal-khal keeni kara.