Cabdiweli Gaas Oo Madaxweynaha Wakhtigu Ka Dhammaaday Ee Somaliya Uga Digay Is-hortaagga Bannaanbaxyada
February 26, 2021 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo qabtay xilalka kala ah Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Puntland, ayaa soo dhaweeyey Bannaanbaxa ay ku baaqeen Midawga Musharrixiinta Madaxtinnimada Soomaaliya u taagani in Muqdisho laga sameeyo 26-ka Febraayo 2021-ka oo ku beegan Jimcaha Berri, kaas oo ay Dowladda wakhtigeedu dhammaadayna sheegtay inaan la samayn karin.
Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo wakhtigan ku sugan dalka Maraykanka oo uu deggan yahay, ayaa wareysi siiyey TV-ga Universal, waxaanu sheegay in marnaba dowladdu aanay joojin karin muddaharaadka nabadgelyada ah, iyadoo cudur-daar ka dhiganaysa in xanuunka Covid-19 oo soo laba kacleeyey awgii aan la isu soo bixi karin.