Dawladda Taiwan Oo Malaayiin Dollar Kaga Qayb-qaadanaysa Doorashooyinka Isku Sidkan Ee Somaliland.
February 27, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Taiwan, ayaa Somaliland ku caawinaysa Dhaqaale ay ugu talo-gashay inay kaga qayb-qaadato Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 31-ka bisha 5-aad ee 2021.
Taiwan ayaa qoondaysay inay Adduun lacageed oo dhan 2 Million oo dollar kaga qayb-qaadato Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka Somaliland.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa hubinta in hawlaha doorashadu si habsami leh u socdaan iyo in kale, sida uu sheegay Wargeyska Business Week oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay.