Maxkamad Ku Taalla Ingiriiska Oo Xukuntay Nin Soomali Ah Oo Xaaskiisii Dilay
February 27, 2021 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska ayaa xabsi daa’in ku xukunta Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 jir ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu diley xaaskiisa.

Xuseen Yuusuf Cigaal oo ahaa darawal bas ayaa dilay xaaskiisa oo la odhan jirey Maryan ismaaciil oo ahayd 57 jir.
Booliska ayaa tegey guriga Cigaal kadib markii uu ugaga sheekeeyay xaaladiisa nin ay deris ahaayeen,waxana ninka uu wargeliyay in uu Cigaal sheegayo inuu dilay xaaskiisa.