Hub Badan Oo Si Qarsoodi Loo Geliyay Addis Ababa Iyo Ragii Watay Oo La Qabtay
February 28, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub badan oo ah nooca fudud oo si qarsoodi ah loo geliyay Magaaladaas, kadib markii ay ka warheleen hubka Hay’addaha amniga.

Warbixin ay soo saareen Booliska Addis Ababa ayey ku sheegeen in hubka lagu soo dhex qariyay gaadhi, loona ekeysiiyay agab oo markii hore loo malaynayay budo la shiiday, waxaana hubkaas ka koobnaa BKM, Biskoolado iyo 5 kun oo Rasaas kala duwan ah.