Qarax Xooggan Oo Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
February 28, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Qarax xooggan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay waddada Cabdiqaasim gaar ahaan agagaarka Xaruntii hore ee Safaarada Turkiga ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo mar qudha qarxday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in qaraxaas lala eegtay gaadhi Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga dowladda.