Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Hargeysa Ka Sheegay Inaan Soomaali Kala Maarmi Karin
March 1, 2021 - Written by admin
“Waa In Siyaasadda Runta Laga Sheegaa, Anigu waxaan aaminsanahay Ummadda Soomaaliyeed ama Somaliland ha joogto ama Soomaaliya ha joogto way isku baahan tahay..”

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa sheegay in Soomaalida Geeska Afrika kala maarmi karin, una baahan tahay inay Aragti ahaan u midoobaan si ay wax u wada qabsadaan.
Buubaa oo Shalay isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa u warramay Telefiishanka Eryal, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaalida Geeska Afrika ay kala noqon karaan Maamulo iyo kala siyaasad, balse aanay kala maarmi karin, si ay wax u wada qabsadaan, aragtidaasi oo uu sheegay inay ta keliya ee Maanta ka hano-qaadaysa Geeska Afrika.