Sacuudiga Oo Fashiliyay Weerar Qorsheysan Oo Lala Damacsanaa Caasimadda Dalkaasi Ee Riyaad.
March 1, 2021 - Written by admin
Riyadh(Berberatoday.com)-Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar gantaal oo lala damacsanaa in lagu garaaco caasimadda Riyaad.
Waxa ay ku eedeysay weerarkaas fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen.
Warbixinno lagu baahiyey telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin oo bambooyin lagu soo rakibay oo ku waajahnaa magaalooyin ku yaalla Koonfurta Sucuudiga isla markaana ay burburiyeen.
