berberatoday.com
Caddaaladda Oo Raagtaa Waa Caddaalad-darro”Waxaa qoray, Abwaan Cabdiraxmaan Abees.
March 2, 2021 - Written by admin
Mukhtaar Sheekh Xuseen Cali waa muwaaddin reer Somaliland ah. Waa aabbo dhalay lix carruura, saddex wiil iyo saddex gabdhood oo la noolaa, una shaqayn jiray carruurtiisa iyo ooridiisa. Mukhtaar waxa uu lix sanno oo dhowdhow ku xidhan yahay magaalada Hargeysa. Markii u danbaysay waxa uu ku xidhanaa CTU-da. Waxaa Mukhtaar la xidhay, sida xaaskiisa Koos Cabdi Ciise ii sheegtay 01. 09. 2015. Markii u horraysay ee Mukhtaar dacwaddiisa maxkamaddu dhegaysatay waxa uu xidhnaa saddex sanno iyo siddeed bilood, dibna looguma soo celin maxkamaddii.
Mukhtaar waxa uu u xidhan yahay oo dacweeyay mulkiilaha shirkad uu ka shaqaynaayay muddo toban sanno ah, taas oo ku eedaysay arrin la xidhiidha xisaab u dhexaysay Mukhtaar iyo mulkiilaha shirkadan.
Mulkiilaha Shirkaddan iyo Mukhtaar anigu uma gar-qaadayo, xisaabtooda iyo waxa ay isku lahaayeenna uma socdo in aan wax ka qoro. Labada dhinacba waa muwaaddiniin reer Somaliland ah. Labada midna xil uma aynnaan dhiiban. Ka garnaqa dacwadaha, ilaalinta nabadda iyo ku dhaqanka shuruucdaba waxaa ka mas’uul ah dawladda dadkeedu u igmaday.
Muwaaddinka lix sanno ku xidhnaa sharci-darro iyo dulmi, waxa laga la xisaabtamayaa dawladda iyo laamaha qaabbilsanaa ee shaqadoodu tan ahayd. Inta oggaalkay ah, caddaalad-darro ka weyn ta Mukhtaar lagu sameeyay ma garan karo cid kale oo lagu sameeyay Somaliland. Mukhtaar dembiile ha ahaado ama yaanu ahaanee maxaa loo xukumi waayay ee garsoorka loo horgeyn waayay? Su’aashaasi jawaabteedu waxa ay ku tusaysaa u la kaca iyo badheedhka sharciga lagu jebinaayo iyo moogganaanta dawladdeenna. Waxa aan kaga baxayaa qoraalkan caddaaladda oo raagtaa waa caddaalad-darro.
Fadlan ku taageer muwaaddinkaasi si uu u helo caddaalad in aad qoraalkan sii baahiso, oo share dheh.
“Waxaa qoray, Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews