Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Dhallinyarada Uga Digtay Inay Si Xun U Xiirtaan, Kana Hadlay Muhiimadda Asturnaanta Hablaha
March 2, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka digay wax kasta oo Diinta islaamku aanay raali ka ahayn, waxaanu ku baaqay in aad la iska ilaaliyo in baraha bulshada lagu faafiyo wax walba oo fidno iyo dhib abuuri kara, waxaanu talooyin u soo jeediyey Waalidiinta, Macalimiinta, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu nahay ummad islaam ah, waxaynu nahay ummadda ugu fadliga badan, maadaama aynu xumaanta iska reebno, wanaagana aynu is farno, waxaynu nahay ummad boqolkiiba boqol islaam ah, waxaynu nahay ummaddii Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariista ALLE korkiisa ha ahaatee, Nabigeena Muxamed, waa Nebigii ugu dambeeyey ambiyada, ILLAAHAY wax buu inoo ogolaaday waxna wuu inaga xarimay, markaas wuxuu inaga xarimay inaynu ka dheeraano oo aynu ku camal falno wuxuu inoo fasaxay ayaa mar kasta la inooga baahan yahay, sidaas darteed diinteenu ma ogola in qofka cirdigiisa, sharaftiisa iyo xuquuqdiisa meel lagaga dhaco, inta badan baraha bulshada wax walba waa lagu soo qoraa, sidaas darteed waxaan leeyahay aad ha la iskaga ilaaliyo in baraha bulshada lagu faafiyo wax aanay diinteenu raalli ka ahayn, oo Dhalinyaro iyo Waayeelba waxaan kula talinayaa inay baraha bulshada dhinaca wanaagsan u isticmalaan, oo aanay dhinaca xumaanta aanay u isticmaalin”.