Mekelle: Milatariga Ethiopia Oo Cambaarayn Kadib Xoriyadii Usoo Celiyey Shaqaale Warbaahineed
March 5, 2021 - Written by admin
Mekelle(Berberatoday.com)-Milatariga dalka Ethiopia ee gacanta ku haya gobolka Gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalka Ethiopia ayaa sii daayey Afar shaqaale warbaahineed oo mmaalintii Isniintii laga qabtay makhaayad ku taala caasimada Tigrayga ee Mekkele.
Wariyeyaasha la sii daayey ayaa waxa ka mid ah Girmay Gebru oo BBC-da u warama, iyo sidoo kale
Tamirat Yemane, iyo laba tujubaan oo la kala yidhaa – Alula Akalu iyo Fitsum Berhane, kuwaas oo u shaqaynayey the Financial Times iyo Wakaalada Wararka eethe AFP.