Beesha Musharax Sheekh Ibraahim Oo Ka Hadlay Xeer Ilaalinta Oo Udiiday Warqadii Danbi La,aanta, Kuna Eedeeyay In Uu Ka Danbeeyo Madaxwayne Biixi. “
March 7, 2021 - Written by admin
“Bulshada Somaliland Waxaan Usheegayaa Cadaalad Daro Ayaan Tirsanayaa, Cadaalad Daradana Waa Lagu Dumaa, Hankaygana Kama Tanaasulayo”Musharax Sheekh Ibraahim.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxgaradka dhalinyarada iyo haweenka beesha musharax sheikh ibraahim cabdi xuseen (buurane) ayaa si adag uga hadlay musharaxan oo xafiiska xeer ilaalintu udiiday In ay siiyaan warqadii danbi la,aanta oo kamid ahayd shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta utartamaya doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka dalka.

