Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaciyey Bilawga Qaybinta Kaadhka Codbixinta Iyo Gobollada Ugu Horreeya
March 7, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey wakhtiga la bilaabayo qaybinta Kaadhka codbixinta doorashada iyo gobollada ugu horreeya ee laga bilaabayo.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac Oo manta Hadley, ayaa Sheegay in 11ka bishan Maarso qaybinta Kaadhadhku ka bilaabmi doonto gobollada Saaxil, Sool iyo Sanaag.
Haddaba, Guddoomiye Riyo-raac oo sharraxaya sida hawshu u bilaabmayso, Farriimona u kale diraya qaybaha Bulshada, Ciidammada Ammaanka iyo Hawlwadeennada doorashada, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan