berberatoday.com
“Komishanka Waxaa Laga Rabaa Inay Si Cadaaladi Ku Jirto Dhex Ugu Ahaadaan Xisbiyada Iyo Musharixiinta Tartamaya”Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige
March 8, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige Oo ka mid Ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku baaqay inay Doorashooyinku si cadaaladi ku jirto dalka uga wada qabsoomaan, waxaanu ka digay in la musuqo, isagoo sharci daro ku tilmaamay in la xidho Musharixiinta Xisbiyada Mucaaradka iska soo sharaxay.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale farriin u diray Komishanka Doorashooyinka waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu rabnaa inaynu qabsano Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, waxaynu rabnaa in saddexda Xisbi si siman oo caddaalaadi ku jirto u tartamaan, waxaynu rabnaa in Musharixiintu hankooga Musharixinimo xor u ahaadaan, oo hadba Xisbiga ay doonaan iska soo sharaxaan, laakiin waa sharci-daro ah in Musharixiin ka sharaxan Xisbiyada Mucaraadka la xidho, in xabsiga loo taxaabo, in xorriyadda laga qaado, iyo in la isku dayo in la iska hor taagno hankooga musharaxnimo ee Xukuumaddu ha iska ilaaliso wax kasta oo mugdi iyo shaki galinaya Doorashooyinka iyo qabsoomidooda”.

Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinka masuuliyad culus baa saaran, waxaana laga rabaa inay Masuuliyadaas saaran sida ugu haboon uguna cadaalada badan uga soo baxaan, waxaa kale oo laga rabaa inay si cadaaladi ku jirto dhex ugu ahadaan Xisbiyada iyo Musharixiinta tartamaya”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews