Golaha Wakiillada Oo Wacad Ku Maray Inay Dib U Eegis Iyo Wax Ka Baddel Ay Ku Samaynayaan Xeerka Axsaabta Qaranka Iyo Guddoomiyayaal Farta Lagu Fiiqay
March 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaanada uu hadda wakhtigoodii sii gabaabsiga yahay ee Golaha Wakiillada Somaliland oo sabtidii toddobaadkan lixdii bishan Maarij 2021-ka uu furmay Kal fadhigoodii 45aad, kaas oo ah kal fadhigii ugu dambeeya ee muddo xileedkooda, ayaa la filayaa in ay xeerar baddan oo miiska u yaalla ay ku sii ansixiyaan mudda u hadhay, halka qaarna la naawilayo inay kaabis iyo wax ka baddel ay ku sameeyaan,iyadoo ay Xildhibaanada dalbadeen in loogu horaysiiyo xeerka axsaabta Qaranka Somaliland oo wax ka baddel iyo kaabis lagu samaynayo
Xildhibaan Xaamud iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin “ Cabdiraxman Dheere” iyo Xildhibaano kale ayaa soo jeediyey inta aan wakhtigu dhammaan in Xeerka Axsaabta Qaranka ay mudnaanta siiyaan muddanayaashu,isla markaana loogu soo horaysiiso xeerka hor yaalla Golaha hadda, waxaana xusid muddan inay arrintaas ku tageeraan shir guddoonka iyo xildhibaannada kale.