Wasiirka Caafimaadka Oo Sheegay Xanuunka In Covid-19 Oo Si Xawli Ah Ugu Faafaya Somaliland
March 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay in ay sii kordhayso faafista iyo dhimashada caabuqa Covid19 ee Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in caabuqu uu si xawliya ugu fidayo gudaha Somaliland.
“Xaqiiqo waxa ah oo marag ma doon ah in xanuunku uu aad u kacayo, oo xaaladaha dadka uu ku dhacayaana ay kordhayaan, dhimashaduna ay korodhay” ayuu yidhi wasiirku.
“Dhimashadu sidii hore maaha waa joogto, shalay oo ugu danbaysay 3 qof baa dhintay” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.