Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Oo Xaqiijiyay In Laga Helay Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid19 Iyo Xaaladiisa Caafimaad!
March 16, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha kuxigeenka Jamhuuriyada Somalland Cabdiraxmaan Saylici ayaa xaqiijiyay in laa helay xanuunka safmarka ah ee covid19.
Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xubno kale oo ka tirsan qoyska madaxweyne ku-xigeenka iyo ilaaladiisa gaarka laga helay COVID 19.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada waxa uu ku yidhi “waxaan maalintii sadexaad la tacaalayaa xannuunka Coronavirus (Covid-19). Habeen hore ayaa jawaabta helay. Waa allah mahadii ilaa iyo imika xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay. Aniga iyo inta uu asiibay waxaan allah uga baryayaa caafimaadka sareec ah.