Sarkaal Ciidan Oo La Dhashay Madaxweynihii Hore Ee Somaliya Cabdillahi Yusuf Axmed Oo Qarax Lala Beegsaday
March 16, 2021 - Written by admin
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Sarkaal ka tirsan Laanta dambi-baadhista Puntland ee C.I.D, ayaa maanta oo Talaado ah ka badbaaday qarax lala beegsaday gaadhigiisa xilli uu marayay badhtamaha magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga.
Sarkaalkan oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday qaraxa, inkastoo Qaraxaas uu burbur gaadhsiiyay gaadhigiisa.