Dawladda Somaliland Oo Sheegtay Inay Dalka Ka Mastaafurisay Dad Si Sharci-darro Ah Hawlo Macdan-baadhiseed U Waday
March 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay qab-qabatay isla-markaana ay dalka ka Mastaafurisay Shaqsiyaad si sharci-darro ah dalka u soo galay isla-markaana waday hawlo Macdan baadhis ah.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan dalka ka mastaafuriyeen Dad waday Macdan baadhis sharci-darro ah.