berberatoday.com
Deegaannada Al-Shabaab Maamusho Ee Soomaaliya Oo Lagu Soo Warramayaa In Dad Ugu Dhinteen Cudurka Covid-19
March 17, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Deegaannada ay ka talinayaan ururka Al-shabab ayaa lagu soo waramayaa in ay dad badani ugu geeriyoonayaan cudurka Covid-19, xilli degaanadaasi aanay ka jirin xarumo caafimaad oo lagula tacaalo dadka qaba Covid19.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in meelo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka ay ka jirto xaalad culus oo cudurka Coronavirus ah.Sidoo kale, magaalada Ceel buur ee gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in dad ku dhow 1o qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19.

Al-shabaab ayaa maalmo ka hor soo saaray farriimo wacyi galin ah oo ay dadka ku siinayeen talooyin ku aadan sida la iskaga ilaalin karo Covid-19.

Deegaannada ay maamusho Al-shabaab lagama ogola qalabka af-saabka, (Facemask) waxayna dadka u sheegeen in ay isticmaalaan maryahooda in ay afka ku duubtaan iyo in ay badiyaan fara dhaqashada.

Inkastoo Al-shabaab aad u ilaaliyaan xogta cudurka, hadana waxaa jira dad qaba oo caafimaad u soo raadsada dhulka ay dowladda ka taliso sida magaalooyinka laga heli karo adeegga Covid-19.

Sanadkii hore, wakaalado caalami ah ayaa qoray in saraakiil Al-shabaab ah ay u geeriyoodeen cudurka Covid-19, taasoo markii dambe keentay in ay Al-shabaab si dhab ah u qaataan qatarka cudurka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews