Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur Oo Sheegay In La Kala Qeybinaayo Ciidanka Xooga Soomaaliya
March 17, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)- Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu si adag uga digay in lakala qeybiyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo uu sheegay in loo kala qeybinaayo kuwa daacad u ah Madaxweyne Farmaajo iyo kuwa laga shakisan yahay.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in xog uu ku helay kala qeybinta ciidamada xooga dalka, waxuuna arintaasi si gaar ah ugu eedeyay Taliyaha ciidanka Xooga Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Lugta Jenaraal Biixi.