Xildhibaan Guurtida Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Abaarta, Kuna Baaqay In Alle Bari La Sameeyo
March 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira deegaanka ka tirsan dalka iyo xanuunka Covid_19 oo caalamka dib ugu soo laba kaclaayey dadna ugu geeriyoodeen dalka.
Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Wax walba oo dunida dusheeda ka dhacaya ALLE ayaa hore u sii qoray, ALLE ayaana og, inaguna haddii aynu nahay dad islaam ah, waxaa mar kasta la inooga baahan yahay inaynu imaankeena ilaalino, oo aynu ogaano inay wax walba qadarka ALLE ku dhacayaan, qof walbana sidii u geeriyoonayo ALLE ayaa og, xanuunkana Covid_19 iyo xanuunada kaleba ALLE ha inaga hayo, waxaana loo baahan yahay inaynu mar kasta aad isku ilaalino oo aynu ALLE barino, wacyigelinta waa in sideeda loo qaataa”.