berberatoday.com
Calaacalka Heesaha Fanaan Marxuum Axmed-yasin Ibrahim Digfeer Iyo Xigmadaha Ku Duugan!
March 22, 2021 - Written by admin
In kaste oo ay adagtahay sida aad dadka u fahamsiiso fanka Digfeer iyo hibada ninkaas ku jirtay, taas oo ay u dheerayd heesi ogaanta iyo laxan qurxoonaanta, ayaa haddana waxa taa ka sii adag in aad dad badan ka dhaadhiciso in Digfeer uu ahaa fannaaniinta ugu calaacalka badan xagga fanka. Sidaa marka aan idhi waxa aan hubaa in dad badan oo qoraalkani horyaallaa inta ay dib u fadhiisteen ay niyadda ka yidhaahdeen, ‘malaha xagga cayda ayuu u jeeday’! Xaasha, foorjada lagu bartay ee dadkuba ku bantookhiyo kama hadlayno e, maanta waxa aynnu ka sheekaynaynaa catawga iyo calaacalka lafjabka ah ee heesa Yaasiin A. Ibraahim “Digfeer” intii dhegahayga soo gaadhay.
Dookh ahaan anigu marka aan fanka dhegaysanaayo, qofka 2-aad ee aan ugu dhegaysiga badanahay uguna baadhista badanahay, ugna boholyawga badanahay in aan xogtiisa wax ka ogaado ayuu Digfeer ii yahay. Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyo e, fannaanka waxa ay heesihiisu u badnaayeen marxalado wada dhab ah, kuwaas oo isna uu dareen dab ah oo laxan ku habboonna leh uu saari jiray. Uma dhuranayo in aan taariikhdii fannaanka idiin deexaamiyo, haddana way mudantahay in aan murudda idiin leefsiiyo wax yar oo maggaabo aan ka roonayn xataa haddii aan idiin galo..
Milay lagu qiyaaso 1947/48-kii ayuu Yaasiin Axmed Goox ku dhashay deegaanka Qorraxay oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida. Horraanba yaraantiisii waxa uu u wareegay gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya. Taas oo waxa sababay aynnu odhan karno waxa ka mid ahaa Digfeer oo u yaraa carruurtooda, mar kalana isaga oo sabi ah uu aabbihii geeriyooday. Digfeer sidaas ayuu taabbagalkiisii dhallaannimo uu ugu soo qaatay gobolka Hiiraan. Waxa yaraantiisii soo koriyay adeerkii oo kolkii danbe uu Muqdisho la joogay. Adeerkii Goox Qarbooshe waxa uu ahaa macallin ciidan oo ka mid ahaa ciidammadii xoogga dalka. Digfeer waxa uu markaas bilaabay Garaash borigiraam oo uu farsamooyin badan ka bartay. Kulliyaddaas waxa ay ka soo wada baxeen dad fannaaniin noqday iyaguna oo ay ka mid ahaayeen, Sahra Ileeye, Cabdirashiid Goox, Siraad Cabdalle Ugaas iyo dad kale oo qiimo leh.
1970-kii markii la aasaasay Hoobolladii Waaberi, haddana sannadihii 1973-kii waxa la aasaasay kooxihii Onkod iyo Horseed oo ku kala tirsanaa ciidammada millatariga iyo Asluubta ee xooggii dalka. Da’ ahaan Digfeer isaga oo dhawr iyo labaatan jir ah ayuu ka mid ahaa aas aasayaasha kooxda Horseed, oo laga unkay isku darka laba kooxood oo kala ahaa Booliska iyo kubadda cagta. 1973-kii ayay ahayd riwaayaddii ugu horraysay ee Yaasiin Axmed lagu bartaa, taas oo la odhan jiray, “Ugub jacayl iyo Afkala qaad”. Riwaayaddaas oo uu Allifay nin ku magac dheeraa Baaruud. Riyaayaddan waxa ka mid ahayd heeska caanka ah ee “Daxayiyo cadceeddaa..” waana halkaas halka Yaasiin Axmed uu magaca ‘Digfeer’ ka raacay, sababta oo ah waxa ku jiray meerisyo odhanaaya:
“Wallee dayrtan maanta ah
Ama daawadaa helay
Ama se daalay oo dhacay
“Digfeer” aawadaa galay”
Sidaas ayuu Digfeer saaxadda fanka ugu soo bilawday waayo cajiib ah oo noloshiisa ku taxnaa. Waxa uu ahaa laxamayste, kamaniiste, hal’abuure iyo waliba heesaa cod hallaasiya leh jilaanimaduna ay wax walba u dheertahay. Markii dalku burburay Digfeer waxa uu usoo kicitimay xaggan iyo magaalada Jigjiga, waxaana uu halkaa ka aasaasay koox la odhan jiray “Ilays Baan” kooxdaas oo ay ka soo baxeen fannaaniinta Ubax Fahmo, Sahro Ilays iyo kuwo kale oo badaniba. Jabuuti ayuu haddana gaadhi jiray inta badan oo uu ku qaban jiray cawaysyo kuwa muuqaalladiisa ugu badan lagaga hayo ah. Digfeer waxa uu ku xanuunsaday magaalada Dubay ee waddanka imaaraadka. Muddo ka dibna dalka ayaa dib loogu soo qaaday, waxaana uu 2000-kun ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Tiraba afar xaas ayuu guursaday waxaana uu ifka kaga tagay dhawr iyo toban carruur ah oo qaarkood hadda dhinteen. Xirfad ahaan waxa uu yaqaannay ee kale makaanikada…
Haddaba, taariikhda fannaanka ayaa ila yar taraartaye, aynnu ku soo laabanno mawduuceennii. Digfeer waxa uu dhex yaallay laba dhadhaar iyo dhamac! Sidaa waxan u leeyahay, waxa uu ka heesi jiray ee ugu badnaa noloshiisa jacaylkii Nuur Jiis iyo Kiisii. Heesaha ugu badan ee uu Digfeer qaaday waa heeso calaacal ah oo laf jab ah waliba. Catawgiisii innaka oo aan ku dheeraanayn, bal haddana waxa aan rabaa in aynnu isla aragno sida heesihiisa uu caanka ku yahay ee foorjada ah ay uga badanyihiin kuwiisa calaacalka ahi. In ta se aanan kuwaas idinku horin, dariiqii uu foorjada ka galay hees aan u malaynaayo in ay ahayd, iyo tii uu qaaday markii uu ugu fogaaday xagga nacaybka dumarka mid iyo laba aynnu inyar iska xasuusinno.
Dariiqii Foorjada; “Jacaylkeennii Shaashaw”
Markan dumar ka shawshabay
Shiilayeen ka fiirsaday
Ka shidhayso taan idhi
Shiddaa iiga korodhoo
Kaga jabay shanshada midig
Shankaroonta taan biday,
Balse haddii aan shabaq galay
Shiiddaadina igu dhacay
Shib in aan idhaahdiyo
Sheexbaa iiga fiicane;
Ha ku shaacdo dunidee
Aan ku sheeggo heesaha
Rag Allaw shilka i helay….”!
Heeskaas oo aan is idhi waa waddadii uu ka galay foorjada, taas oo sida meerisyadan sare innoo sheegayaaba uu ku go’aansaday shilka helay in uu heesaha ku shaaciyo, heeskan oo badanaa dadku aqoon, ayaan haddana arkay heeskii ugu adkayd ee uu go’aan dumar ka qaato, taas oo odhanaysay;
“Wallee naag ma guursado
Wallee babadh ma caashaqo
Wallee guri an leeyahay
Foodda sooma geliyaan;
Wallee ima guhaadshaan
Wallee gabanna kama rabo
Gogolna iima fidhiyaan!
Garta markaa,
Garashada fagaaraha
Hooyaday gadaasheed
Kama helin gargaar same
Heddana hayga goosteen…”
Labada sidaa u kala fog marka aynnu ka nimaadno, bal haddaba aynnu durduuranno calaacalka heesaha Digfeer ee badda ah. Ugu horraynba aan ku bilaabo mar uu sawiraayo sida jacaylku uu yaraanba ugu helay, waxaana aad niyadda ku haysaan labada nin ee Nuur Jiis iyo Digfeer mar walba way isku marxalad dhawyihiin, Nuur ayaa se sii daran oo waa nin curyaan ah, inaabtidii oo ooridiisa ahayd ayaana uu u samayn jiray boqolkiiba boqol heesaha, tan aynnu ugu horraysiinaynaana waa marxaladdii inaabtida ka hadlaysaye bal hadda ila dhugo oo aad ugu dhaygag:
“Afar sano adoo jira
Oo wali abaydina
Aagaankii caanaha
Ayaan lagugu siiyay
Inyaroo ku soo hadhay
Ood adigu reebtaa
Laygu aamusiiyoo
Sidaa aawadeed baan
Ku anqaray jacaylkee”!
Cajiib, bal hadda midhahan yaabka leh inyar fahamkooda ku kaliyayso, xaqiiqdii waxa aad arkaysaa halka uu geeyay jacaylka, isaga oo tilmaamay meel ay caano ka dhantay inantu iyaga oo yaryar, hanbadii ay reebtay in isna loo dhiibay, saa markii uu dhammayna uu sidaas jacaylku ugu tallaalmay! Bal haddaba waa yaabe, xaalka uu markaas galay in aanay wali ka dawaynin, balse uu iyada iyo Rabbigii naxariis ka jirinaayo ayuu tilmaamayaa haddana; bal hadda day:
“Inaabti,
Markii uunku seexdaan
Kuu ooyaa adiga oo
Irriddana fadhiistaa
Inta laga addimayoo
Waxan eegayaa wali
Adigiyo Ilaahay”!
Bal hadda aynnu halkaas ku soo dhaafno taas, innaka oo gawdhgawdhayna oo aan si gudo faallalan wax uga sii odhanayn heesaha, aan soo qabto haddana hees kale oo iyadana uu Digfeer qaado walaw labada nin ee aynnu ka sheekaynay aan midkoodna midhaha heeskan lahayn, haddana laga yaabo in uu xaaladdooda ama mid u dhaw ka allifay, se waxa Digfeer loola soo doontay ay dareen in ay tahay aan ka badin waayay.
“….. Rabrab baan dulsaarnahay
Riddadii kalgacalkuna
Rubaddaygu taallaa
Taan rixinsanaayana
Dhegaha uma raaricin
Warkan laba rogaayee;
Halkay roob oddorostiyo
Waxan raadinaayaa
Isku raabba maahee:
Rafiiqeeda kaliyee
Ay ka raalli tahayaw
Racwi waxad tidhaahdaa
‘Ruux go’aaya awgaa
Rabbina aad u simantiin
Markuu lawga ruqa dhigo
Ruclo laguma dhaafee
Reerkaa loo nageeyaa…”
Xaaladda uu ku suganyahay haddii uu ka warramay, ayuu haddana ka walaacay inantan aan weedhiisa dhegba jalaq u siinnayni i ay warkanna laydha raaciso, saa bal in ay warka saaxiibaddeed ka gurto uu leeyahay saaxiibaddaa sidaa iyo sidaa iigu dheh, adiga ayay kaa raalli tahay, lagana yaabaa in ay wax kaa maqasho e. Xagga danbe ee heeskana waxa uu ku sii sheegayaa haddii ay maanta waxba la qaban waydo in ay dhici karto mar ay lafteeduna baahantahay oo ay sidiisa xaalad aan la qiyaasi karin ay ku danbayso.
“…Dawada la i cabsiiyiyo
Cirbadda laygu mudayaa
Caafimaad ma leedahoo
Caashaqa ma bi’isaa?”
Bal ka rog oo haddana saar. Digfeer markanna waxa uu ka sheekaynayaa heerka uu jacaylkiisu maraayo, taas oo uu ka walaacsanyahay xanuunka haya in aanay dhakhaatiirtu xataa dawayn karayn. Saa marka aad midhahan maqasho waxa kugu soo degdegaaya markii ugu horrayntiiba uu fanka meelaha uu ka soo bilaabay uu ku lahaa:
“Dayaxiyo cadceeddaa
Dorraad layga yeedhoo
Daruuraha korkoodaa
Durbaan layga tumayoo
Intaan dumar jeclaadaa
Dookhu iga habaaboo
Sida aan derderanahay
Iska daba wareegtee;
Wallee dayrtan maanta ah
Ama daawadaa helay
Ama se daalayoo dhacay
Digfeer aawadaa galay…”!
Malahayga Digfeerkii oo ahaa cusbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho haddii uu galay ayuu arkay in aanay dawadiisii halkan oollin. Labadaas marka aad isku sidigto, ayaad haddana xusuusanayaa markii uu lahaa;
“Maxaan nabarrada bukiyo
Nabdiga baan uga dhigaa
Ama aan kugu maaxiyaa
Indhaha nuurkoodii iyo
Nafaqo way maqantahee…”
Naftiisii ayuu si caal waaya u sasabayaa, isaga oo u sheegaaya sida aanu uba hayn qofkii jirradan haysa ka dabiibi lahayd. Bal mar kale haddana aynnu jalleecno sida caashaqan inantii ku sababtay oo baladkaba ka tagtay uu u yahay, sida baan iyo bogsiinba loogu la’yahayna aynnu ku wada nasanno.
“Baryo caashaqaygii
Markii baarka loo fidhay
Ubixiiina soo baxay
Saw beladkii kamay tagin,
Anna boog jacayl
Bir wadnaha ku taalloo
Boggu ila xanuunoon
I bogsoonnin weeyaan;
Waana layga baantaayeey
Burde layga saaraayeey
Dawo laygu boobaa
Jidhku wuu i boodaa
Mar haddii isaga uu sidaa xaalkiisu yahay, iyaduna wadhaaba ma hayso e, bal labadaa xaaladood ee kala fog haddana aynnu ku xusuusanno markii uu lahaa:
“Haddaad saaka ladantahay
Sidig kuu lammaan iyo
Soobir kuu irmaantahay
Anna aan sumaysnahay
Alle waan u simannahay;
Waxaan sugi markaygee
Adiguna nabsiga sido”
W/Q; Cabdikariim Xikmaawi
Fg; Heesahan aynnu soo qaadannay waa kuwii calaacalka ahaa, ee jacaylka ahaa waliba. Kuwii waayihiisa gaarka ah uu kaga cataabaayay ama hawlaha kale ee axdi furka, ballamaha iyo foorjada mid toona qoraalkani kama hadlaayo.
Heesihiisa calaacalka ah teed ugu jeceshahay adigu?

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews