Golaha Guurtida Oo Ka Dayriyay Tayada Tacliinta Lagu Bixiyo Jaamacadaha Gaarka Loo Leeyahay
March 22, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dood ka yeeshay Arrimaha bulshada ee dalka, sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Arrimo kale oo la xidhiidh la leh Nolosha bulshada.
Xildhibaannada oo Aragtiyo kala duwan ka dhiibtay Qodobka ay ka doodayeen ee khuseeya Arrimaha Bulshada, ayaa qaarkood waxay si gaar ah isku dul-taageen Xaaladda Caafimaad ee dalku marayo, waxayna sheegeen in Xaaladda Covid_19 faraha ka baxday, isla-markaana dhimashadu Dadku meel sare marayso, waxayna Dadweynaha ugu baaqeen inay ku dhaqmaan Talooyinka Bahda Caafimaadka ee ah inay ka taxadaraan Xanuunka.