Weerar Lagu Qaaday Booliiska Magaalada Bristol Ee Dalka Britain
March 22, 2021 - Written by admin
Bristol(Berberatoday.com)-Dibadbaxayaal ayaa weerar ku qaaday booliiska ka dib markii kumannaan qof ay isu soo baxeen magaalada Bristol taasi “oo ay booliiska hore uga digeen ” in laga soo qeyb galo.
Qaar ka mid ah askarta ayaa waxaa soo gaadhay waxyeelo oo waxaa qaarkood qybo ka mid ah lafaha , halka sidoo kale dad cadheysan ay gubeen gawaadhi ay booliiska leeyihiin bartamaha magaalada Bristol.
Dibadbaxayaasha ayaa isu soo baxay iyaga oo iska dhagatiray talooyiinkii ahaa in ayna magaalada mudaaharaad ka sameyn.
Booliiska magaalada Bristol ee dalka Britain oo la weeraray
Labo ka mid ah gawaadhida booliiska ayaa dab la qabadsiiyay, halka sidoo kale burbur loo geystay saldhig booliis oo magaalada Bristol.
Bayaanka ay booliiska soo saareen ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah askarta uu gacanta ka jabay halka mid kale uu feedh yarta ka jabay.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dooday in sharciga cusub ee booliiska iyo dambiyada uu awood dheeraad ah siinayo booliiska taasi oo ay ku xaddidi karaan mudaaharaadyada.
Bilowgii dibadbaxyada ayaa ahaa kuwa si nabad ah ku socday, balse waxay markii dambe isu badaleen rabshado.
Waxaa wadooyiinka daadsanaa dhalooyiin, halka qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay fuuleen baalayaasha korantada.