Komishanka Qaranka Iyo Sedexda Xisbi Oo Kala Sexeexday Xeer Muhiim U Ah Doorashooyinka Isku Sidkan.
March 24, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran ayaa Munaasibad si wayn loo soo Agaasimey ku kala sixiixday Xeerka Anshaxa iyo Hab-dhaqanka kaasoo dhaqan-gelintiisu ku waajibayso dhammaan dhinacyada muddada lagu jiro Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanada & Wakiilada JSL.

