Maraykanka Iyo Japan Oo Isla Gartay Inay Iska kaashadaan Khatarta Shiinuhu Ku Hayo Taiwan Iyo Mooshin Congresska Horyaal In Taiwan Lagu Daro Nato +5
March 25, 2021 - Written by admin
Tokyo(Berberatoday.com)-Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka Lloyd Austin oo todobaadkii hore nooqasho ku tagay dalka Japan iyo dhiggiisa dalkasi Nobuo Kishi ayaa isla soo qaaday waxay labada dal ka yeelayaan hadii uu Shiinuhu dagaal kusoo qaado jasiiradda Taiwan waxaanay isla garteen inay arintaas iska kaashadaan.Inkastoo aan wax war ahi kasoo bixin qaabka ay isku kaashan doonaan hadii Shiinuhu kusoo duulo Taiwan haddana ka- wada-hadalka arintan ayaa muujinaya in Maraykanka iyo Japan ay meel uga soo wada jeedi doonaan hadii Shiinuhu isku dayo inuu kasoo talaabo marin badeedka yar ee u dhaxeeya Jasiiradda si uu qabsado.