Shacabka Hargeysa Oo Is Weydiinaya Halka Ay Martay Lacagtii Malaayiinta Doollar Ahayd Ee Guddida Karoona Fayras Loo Dhiibay!
March 26, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga horjeestay Guddidii uu Madaxweyne Muuse Biixi dabayaaqadii sannadkii 2019-kii u Magacaabay ka hortaga cudurka Karoona Fayras,waxaanay sheegeen in aanay kalsooni ku qabin Guddidaa,halka ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsadeen inuu baddelkooda Magacaabo.
