Wasaaradda Waxbarashada oo Gudbisay Dalab Ay Fasax Ugu Doonayso Ardayda Dugsiyada iyo Jaamacadaha Dalka
March 29, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa la sheegay in ay Guddida ka la dagaalanka xanuunka Covid-19 u gudbisay dalab ku aadan Dugsiyada iyo Jaamacadaha dalka, sababo la xidhiidha xanuunkaasi.
Wasaaradda ayaa Guddida xanuunka Covid-19 ka dalbatay in Ardayda dugsiyada iyo Jaamacadaha la fasaxo muddo laba bilood ah oo ka bilaabmaya toddobaadkaa soo socda (April 3, 2021 ilaa June 2021).