Cabdiraxmaan Ciro Iyo Maxamed Cali Awcabdi Oo Markale Loo Doortay Musharixiinta Madaxweynaha Iyo Kuxigeenka Ee Doorashada Madaxtinimada Ee 2022
March 30, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI si aqlabiyad ah ugu doorteen Musharraxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee doorashada Madaxtooyada November 2022
“Xisbiga Waddani waa xisbi dimuqraaddi ah waana lagu tartama Dhammaan Xilalkiisa waxaan u mahadnaqaya dhammaan inta ii codaysaya iyo inta iga codaysayba,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga ahna Musharrax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo u mahadceliyay Xubnaha Golaha Dhexe ee codka siiyay.
Musharraxa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa isna u mahadceliyay Xubnaha Golaha Dhexe ee codka siiyay “ Waa Dimuqraaddiyad Aad baan ugu faraxsanahay in cid tidhaa ma ogoli aad iyo aad baan ugu mahadcelinaya ciddii ii codaysay iyo ciddii iga codaysay ba. Waad na doorateen ee ducadana noogu dara.”
Shirka Golaha Dhexe ayaa sida oo kale lagu go’aamiyay in muddo 7 bilood ah lagu qabto Shirweynaha Xisbiga WADDANI
Berberatoday.com