Xukumada Somaliland Oo Xidhaysa Guud Ahaan Dugsiyada Waxbarashadda Cudurka Covid-19 Awgii
March 30, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa shaacisay in bartamaha bisha soo socota muddo laba bilood ah la xidhayo dugsiyada waxbarashada xilli uu dalka si ba’an ugu faafayo xanuunka Covid-19.
Kiisaska cudurkaas ee laga diiwaangeliyo Somaliland ayaa hadda ka badan kuwii bilihii la soo dhaafay.
Wasiirka waxbarashada wuxuu sheegay in laga bilaabo 13-ka bisha April la fasaxi doono dhammaan dugsiyada ku yaalla Somaliland.