Dad Qaxooti Tigrey Ah Oo Lagu Laayay Xaduuda Udhaxaysa Itoobiya Iyo Suudaan L
April 1, 2021 - Written by admin
Sudan(Berberatoday.com)-Labo Qaxooti oo ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga ayaa lagu dilay meel u dhow Xuduudka ay Sudan la wadaagto Ethiopia.
Goobjoogayaal la hadlay Wargeys ka soo baxa dalka Sudan waxay sheegeen inay Ciiddanka Eritrea ay Deegaanka Dima ku dileen 2 Qaxooti, halka ay 2 kalena dhaawacmeen, iyadoo ugu yaraan 76 kalena ka baxsadeen Toogashadaasi.
Qaxootiga badbaaday waxay kuwii dhaawacmay u daabuleen gudaha dalka Sudan, si loogu daaweeyo, halka Qaxootigii geeriyooday lagu aasay gudaha Sudan.
Qaxootigaasi oo ka mid ahaa Qaxootiga Ethiopianka ee ku jira Xarunta Soo-dhaweynta Qaxootiga ee Xamdayet ee Bariga dalka Sudan waxay dhamaantooda doonayeen inay dib ugu laabtaan Deegaanadooda ku yaalla Degmadda Xumeyra ee Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.