Haayadaha Xuquuqda Aadanaha Oo Ka Dayriyay Xidhitaanka Xeryaha Qaxootiga Kenya Ku Baaqday
April 2, 2021 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Kenya ayaa ku amartay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) inay sameyso qorshayaal lagu xidhayo laba xero qaxooti oo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali iyo Koonfurta Suudaan.
In kasta oo ayna ahayn markii ugu horreysay ee Kenya ay ku hanjabto inay xidhayso xeryaha, haddana kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegaya in amarkan uu khatar gelin karo nolosha qaxootiga.
Otsieno Namwaya oo ah cilmi baadhe sare ka tirsan Human Rights Watch, ayaa sheegay in qaxootiga ku laabanaya wadamada xasaaradaha badan sida Soomaaliya ay tahay arin khatar ah.