Xildhibaan Ka Dayriyey Xaaladda Gobolka Sanaag, Farriina Udiray Guddoomiyaha XisbigaUCID
April 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka dayriyey xaaladda Gobolka Sanaag, waxaanu tilmaamay in Gobolkani u baahan yahay in wax badan loo qabto, gaar ahaan dhinaca adeegyada aasaasiga ah, waxaanu si gaar ah uga digay dagaal dambe oo dhex mara Beelaha wada dega Deegaanka Shidan.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID ugu baaqay inuu mar walba miisaamo hadallada uu ku hadlayo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa run ah oo xaqiiq ah in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan Somaliland wuxuu u baahan yahay in wax badan loo qabto, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah, sida Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka, waxaynu ognahay in hadda xanuunka Covid-19, oo dalka aad ugu fiday, gaar ahaan Gobolka Sanaag aad buu ugu fiday xanuunkani, Gobolkuna ma haysto ambalaasyo ku filan ma haysto Shaybaadho, markaas waxaa daruuriya oo muhiim ah in wax kasta oo Gobolku u baahan yahay in loo keeno..”.